Muxuu RW Xamse kala hadlay shacabka Koonfur-galbeed ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu sagootinayay oo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ugu qabatay Magaalada Baydhabo ayaa dhinacyo badan diiradda saaray.

Xamsa ayaa xoogga saaray wadajirka, difaaca Dalka, xoojinta wadashaqaynta Madaxda labada heer Dowlad iyo qodobo kale, kaddib markii uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madas’uuliyiinta Dowlad-Goboleedkaas, Siyaasiyiin & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in tallaab weliba oo la qaadayo loo qaado si wadajir ah kuna dheehan tahay midnimo si looga gaaro guul muhiim ah sida uu hadalka u dhigay Xamsa Cabdi Barre.

“Dalkeennu waa barwaaqo laakiin waxaa ku nool bulsho aad iyo aad u hooseysa dhaqaale ahaan & Nolol ahaan, Dowladda waxaa waajib ku ah in ay ka shaqayso Amniga Dalka, Mas’uuliyad dastuuri ah ayaa ka saaran badqabka muwaadiniinta Sooamaliyeed ee Dal iyo Dibad joogga, Ilaalinta Dalka Midnimadiisa Dhuleed & Dadeed ayaa sidoo kale waajib ku ah” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in loo baahan yahay isku filaanashiyo Soomaaliya uga maarmayso Ciidamada Shisheeye ee haatan ilaaliya isla markaana muddo dheer ay ku tiirsanayd Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in waxyaabaha ka dhaxeeya ay iyada xalineyso, Nabad iyo Iskaashi ayuu tilmaamay in ay deriska ka dooneyso maadaama aanay xadgudub ku sameyn arrimaha gudahooda sida uu yiri.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed