Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran.
Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa si looga feejignaado falalka lidka ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.
Dhankale, kulanka ayaa intii socday waxa la isku soo qaaday, kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda.