Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Muxuu RW Xamse kala hadlay ganacsatada soomalida ah ee Kenya ku dhaqan?

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas Xalay kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Raysal Wasaare Xamse ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoona warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka, fursadaha la heli karo, caqabadaha ku gadaaman dowlad dhisidda iyo dadaalada Xukuumaddiisa ay ku howlan tahay ee la xariira taabagelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre ayaa ka dalbaday ganacsatada in kaalin wanaagsan ay ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku wajahaya shaqo laโ€™aanta baahsan.

โ€œWaxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faaโ€™iideysto xubinimadeenna Suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ah suuq cusub oo horseedi kara horumar dhaqaale oo ballaaranโ€ ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa dhankooda Raysal Wasaaraha Soomaaliya la wadaagay talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyagoona bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay gaartay Xukuumadda DanQaran, muddada labada sano ku dhow oo ay shaqeynaysay.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay ganacsatada dadaaladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka ay u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed, marka ay dhibaatooyinka dhacaan gudaha dalka.

Kulankaan waxaa Raysal Wasaaraha ku wehlinayay qaar ka mid ah Xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed, Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cismaan Cigaal.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed