Muxuu MW Xasan Sheekh kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Hakan Fidan waxa ay kawada hadleen xaaladda labada Dal iyo Xoojinta xiriirka labada Dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidal ayaa diiradda saaray qodobadii ay kawada hadleen iyaga oo ku ballamay in la xoojiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada Jamhuuriyad ee Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Iskaashiga Dowladaha Soomaaliya & Turkiga waa udub dhexaadka xiriirka soo jireenka ah ee Dowladahaan ka dhaxeeya, Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogaystay heshiisyada ay wadagalayaan.

 

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaado Madaxda Dalka Turkiga si ay uga wada hadlaan xaaladaha labada dhinac iyo xoojinta iskaashigooda.

Turkiga waxa uu Soomaaliya ka gacansiiyaa tababarka ciidanka, Maamulka Ilaha Dhaqaalaha sida Dekedda & Garoonka Diyaaradaha, Ilaalinta Badda & mashaariic kale oo ay ku ballameen ama ku heshiiyeen labada Dowlad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed