Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlayaa madaxweynaha Tanzania?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Daarusalaam kula kulmaya Madaxweynaha Dalka Tanzania oo ay kawada hadlayaan arrimo khuseeya labada Dal.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aways Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay kala saxiixan doonaan heshiis muhiim u ah labada dhinac.

Daauud Aways oo kamid ah wafdiga la socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdigooda isla markaana ay guda-galeen kulamo gaargaar ah.

Soomaaliya iyo Tanzania waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad ku salaysan dhinacyada Siyaasadda & dhaqaalaha waxaana ay labada Dal xubno ka yihiin Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika si ay u xoojiyaan xiriirka ayay u kulmayaan labada madaxweyne.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed