Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Midowga Yurub ?

Josep Borrell Fontelles oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, ayaa kulan qadka taleefoonka ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan gobolka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la xoojinayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Intii uu wada hadalkooda socday,  Josep Borrell Fontelles ayaa sheegay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo dadaallada amniga ee iskaashiga ah ee ka dhanka ah caqabadaha sii kordhaya ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dadaallada la iska kaashanayo ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sugidda amniga dalka.

Wada hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah iyadoo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaartay heerkii ugu sarreeyay. Itoobiya ayaa walaac weyn ka qabta iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Masar, kaasoo ay ku tilmaamtay mid qatar ku ah ammaaanka iyo xasiloonida gobolka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed