Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Madaxda Talyaaniga?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Rome caasimadda Talyaaniga kula kulmay Madaxweynaha Dalkaas Sergio Mattarella & Haweenayda Ra’iisul Wasaaraha ka ah waddankaas Giorgia Melona.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxda Talyaaniga ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, Iskaashiga iyo sidii loo dardargelin lahaa cilaaqaadka Xukuumadaha Muqdisho & Rome sida lagu yiri qoraal kooban oo Dowladdu kasoo saartay kulankaan.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kamid ahaa Madaxda Afrika ee Magaalada Roma uga qaybgalay shirkii Talyaaniga uu la yeeshay Madaxda Qaaraddaan oo ay uga wadahadleen xoojinta xiriirka kawada dhaxeeya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu shirkaas socday waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan qusaysay sida horumarka Soomaaliya ay samaysay, guulihii ay ka gaartay Dayn cafinta, cunaqabatayntii Hubka, Ku biirista Dalladda Bulshada Bariga & ka dhiidhinta xadgudubka Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida iyo wadajirka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed