Muxuu Lafta-Gareen kala hadlay Madaxa Hay’adda WFP?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Agaasimaha Guud Hay’adda Cuntada Aduunka oo Maanta Baydhabo soo Gaaray.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ku Wehlinaayey Wasiirro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.

Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda WFP ayaa kulan ay qaateen waxa ay ka Wada hadleen Arrimaha Gargaarka, Cunta yarida iyo sidii loo Kordhin lahaa Gargaarka la Gaarsiinayo Dadka ay saamaysay Is Bedelka Cimilada iyo Abaaraha.

Kulanka Madaxweynaha Laftagareen, iyo Wafdiga ayaa imaanaya xilli uu magaalada Baydhabo soo gaaray ku xigeenka agaasimaha guud ee Hay’adda Cuntada Aduunka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed