Muxuu ku qotomaa socdaalka MW Xasan Sheekh ee Nairobo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo maalinimadii shalay furmay.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ah ayaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika. Sida lagu yiri warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay socdaalka madaxweynaha kaas uu baahiyey Telfashinka dowladda.

Dhammaadka bisha May 31, 2024 ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirkaan, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan madaxweynayaasha dalalka Africa iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.

“Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in Dalka laga cafiyo Dayntii lagu lahaa isla markaana Hay’adaha Dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu wadaa in uu shir ducoodyo la yeesho hoggaamiyaasha dalalka Afrika ee qeybta ka ah shirka.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo bartamihii bishaan u buuxsantay laba sano uu fadhiyay Villa Somalia ayaa muddo saddex jeer ah u socdaalay dalka Kenya ku dhawaad 30 berri. madaxweynaha ayaa safaradiisa ugu badan ku baxiyey dalka Kenya tan iyo dib u doorashadiisii May 15, 2022.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed