Muxuu ku qotomaa socdaalka MW Xasan Sheekh ee magaalada Wargaadhi?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.”

Sidoo kale warka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sii yiri, “Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan.”

Socdaalka uu maanta ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magaaladaan ayaa ka dhigeysa safarkiisii ugu horreeyey uu ku tago, taas oo qeyb ka ah dagaalada ka dhanka ah Al-Shbaab ee ka socda dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed