Muxuu ku qotomaa socdaalka MW Xasan Sheekh ee Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diiran ugu  soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda  ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka. Sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed