Muxuu ku qotomaa socdaalka Madaxweyne Xasan uu ku tagay Masar ?

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaas Cabdifatax El sisi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Qaahira waxa uga bilaabanaya booqasho rasmi ah oo laba maalmooda, waxaana mudada ay joogaan Qaahira kulamo laba geesood ah la yeelan doonan Madaxweynaha dalkaas iyo masuuliyiinta sar sare ee dalka Masar.
Kulamada labada dhinac wada yeelan doonaan ayaa diiradda lagu saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar iyo danaha wadajirka ah ee xaaladda guud ee gobolka.
“Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugna magaalo madaxda dalka Rwanda ee Kigali oo uu uga qeyb galay caleema saarkii madaxweynaha dalkaas Paul Kagame, isagoona Xalay uga sii gudbay  Qaahira.
Ugu dambeyntii socdaalka madaxweynaha ee dalka Masar ayaa kusoo aadaya, iyadoo lays ku mari waayay wadahadaladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xariira heshiiskii gurcana ee Itoobiya la gashay Somaliland ee la xariira helista qeyb ka mid ah biya iyo dhulka Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed