Muxuu ku qotomaa socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee Garowe?

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb-galaya caleema-saarka Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey dhigiisa Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.

Soo dhoweynta waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Mudanayaal  heer Federaal ah, Ururada bulshada, Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka iyo masuuliyiin kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed