Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland.
Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa goluhu si weyn wax uga waydiiyey shaqooyinka ka socda wasaaradda, isgaarsiita, wacyigelinta iyo arrimo kale.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa xubnaha barlamaanka qaar su’aalo xasaasi ah ka waydiiyeen hadalo uu marar kala duwan mariyey warbaahinta oo uu ku weeraray siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya.