Muxuu gudoomiye Aadan Madoobe kala hadlay Taliyaasha ciidamada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada qaybahooda kala duwan.

Waxa uu Aadan Madoobe taliyeyaasha kala hadlay ka falcelinta dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee sida arxan-darrada ah loogu dilay Labo Dumar oo ku baxay Gacanta raggii ay u dhaxayeen oo midkood gacanta lagu dhigay halka kan kale uu baxsaday.

Kulankaan waxaa kasoo muuqday Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska, Nabadsugidda, Asluubta & Xoogga Dalka oo dhankooda ballanqaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan sidii loosoo afjari lahaa falalkaan dhaqanka xun ee saacadihii u dambeeyay ee dhacay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Ciidamada & saraakiisha hoostagta looga baahan yahay in ay la yimaadaan tallaabooyin looga hortagayo falal aan wanaagsaneen ee Bulshada Saamaynta ku reebay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed