Muxuu Gudoomiye Aadan Madoobe kala hadlay Safiirka Qatar?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda. Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan, waxaana xusid mudan in Dooxa ay Muqdisho ka caawiso tababarka ciidanka cirka iyo kaalamada arrimaha beni’aadannimada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed