Mustafe Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Xukumadda Federaalka ay soo jeedisay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah AS iyo sidii loo dardar galintiisa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed