Musharixiin iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaamada maamulka KHATUMO oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, shirweynaha SSC KHATUMO iyo dhawaqii isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Xubnaha shirka jaraa’id qabtay oo ay kamid yihiin Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka KHATUMO, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha maamulkaasi ayaa ugu horrayn raaligelin u diray bulshada gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ay soo jeediyeen in lagu xushmeeyo rabitaankooda.
Dhanka kalena, musharixiinta ayaa ugu yeeray hoggaanka SSC iyo guddiga qaban qaabada in shirweynaha berri furmi doona uu noqdo mid loo dhan yahay isla markaana laga laga dhawro iska horkeen bulsho iyo danaysiga kooxo gaar ah.
Ugu dambayntiina xubnahaan ayaa ugu baaqay hoggaanka maamulkaasi in doorashada barlamaanka iyo madaxtinimada lagu qabto xilligeedii laga dheeraado firaaq dastuuri ah oo ay gasho SSC KHATUMO.

