Muqdisho oo lagu dhaariyey 300 oo Askari oo ka mid noqonaya ciidanka Booliska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeybgalay Manaasabada Dhaarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee shalay loogu  soo xiray Dugsiga Taba barka S/guuto kaahiye,

Munaasabada dhaarinta Ciidankan waxaa ka soo qeybgalay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen  Axmed  iyo Saraakiil kale,

Ciidanka Maanta ladhaariyaya ayaa gaarayo 300 waxa ay ka mid  Noqondoona Ciidamada Nabad ku Afur ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku waasi oo kaalin Buuxda ka qaadan Doono Sugida amniga Caasimada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Rabadaan,

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayaa lagu yiri, “Muwaadin ka qeyb Noqo sugida amniga lana wadaag Ciidamada amniga hadaad aragto wax lid ku ah amiga si aan meel uga soowada Horjeesano dhagarta kooxda Khawaarijta ee dhibaada kuhaya shacabka Soomaaliyeed.”

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed