Muqdisho oo laga daah-furay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimillada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimillada.

Shirka ayaa looga hadlayey muhiimadda iyo sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay, fahamka sida uu isbeddelka cimilladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda  ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi qaran iyo mid caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed