Muqdisho: Inka badan 35 kun Arday oo fariistay Imtixaaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad

Maanta oo isniin ah waxaa gobalka Banaadir ka furmay imtixaanka shahaadiga sannad Dugsiyeedka fasalka 8-aad (Dugsiga dhexe) ee Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay  imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir

Wadarta Ardayda sanadkaan u fadhiisatay Imtixaanka uu qaadayo Maamulka Gobolka Banaadir waa 35,307 oo Arday kuwaas oo wax ku bartay Dugsiyada kala duwan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho & deegaannada duleedkeeda ah.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirrageliyay in ay dedaalkooda Waxbarashada ka mira-dhaliyaan.

Sidoo kale, Yabooh waxa uu mahadceliyay Mas’uuliyiin Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada ammaanka iyo howlwadeennada kala duwan ee qaybta ka qaadanaya ilaalinta nidaamka loogu talagalay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.

“Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday  xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada  sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Yabooh.

Ardayda maanta Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga oo isugu jiray Wiilal & Gabdho waxa ay kala ahaayeen: 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdho, sidoo kale waxaa Dadkaas qayb ka ah Ardayda Baahiyaha Gaarka ah qaba (Naafada) kuwaas oo iskuullo gaar u ah wax ku barta.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed