Waxaa dib u dhac ku yimid bannaanbaxii ay shaaciyeen Golaha Samatabixinta, oo ay ku midaysan yihiin Mucaaradka, kaas oo la qorsheeyay in uu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho.
Dadaallo ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho oo kulan saacado qaatay la yeeshay Mucaaradka, ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbaxa, kaas oo ay ka hor timid dowladda Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay qableen codsiga uga yimid dhaqanka iyo XIldhibaannada isxilqaamay, kaas oo ah in dib loo dhigo dibad baxa.
Sheekh Shariif ayaa u sheegay taageerayasha mucaaradka in dib loo dhigay dibad baxa muddo sagaal maalmood, “Bannaanbixii dib ayaan u dhignay, waxa aan ku badalanay mudaaharaad nabad ah, Qatar lahayn oo culeys lahayn.”
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri, “Waa inoo 9 maalmood iyo mudaaharaadyo nabdoon oo looga dhiidhinayo boobka dhulka dantaguud, looguna hiillinayo shacabka danyarta ah ee ay barakicisay dowladda.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mucaaradka ayaa dhankiisa sheegay in ay aqbaleen codsiga uga yimid Odayaasha dhaqanka, “Mudaahariidkii maanta madlanaa muddo 9 maalin ah ayaa dib loogu dhigay codsi ka yimid qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo xunbo ka tirsan bulshada rayadka ah.”
Falan qeeyaasha Siyaasadda ayaa arintaan ku sifeeyay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay dib u dhigista bannaanbaxa, waxa ay quburada sheegeen in madaxweynaha uu markale ka guuleystay mucaaradka.
Lama hubo sida ay dowladda u wajihi doonta bannaanbaxa ay markale muddooyeen mucaaradka kaas oo loo madlan yahay in uu qabsooma todobaadka dambe, waxaana laga dhowr sugayaa go’aanka ka soo baxi doona mucaaradka.

