Midowga Afrika oo si adag uga hadlay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbikarin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka.
Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.

Diyaarad ay leedahay Itoobiya ayaa shalay laga celiyay Magaalada Hargeysa taas oo masuuliyiinta duulista Hawada Soomaliya ay sheegeen in ay ku xadgubeen hawada soomaliya islamarkaana aysan haysan ogolaansho.

Shirka IGAD ee maanta ka furmaya magaalada Kampala ayaa diirada laga saaraya xiisada Itoobiya iyo Soomaliya taas oo ka dhalatay Hishiis dhanka bada ah oo ay Itoobiya la gaadhay Soomaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed