Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun ka soo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay ka wada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay 12-kii May 2024.
Baaris dheer kaddib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiisaskaan, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24-ti bishii May ee Sanadkaan, halka Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.
Maxamed Xasan Maxamed oo ah Xidigle xoogga, ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo 100- neef oo Geel ah, oo ah magta marxuum Ex-Xidigle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo 2-Sano oo Xabsi Ciidan ah, Sida uu warbaahinta u sheegay Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada QS Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow.
Xukunkaan ayaa imaanay xilli ay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida, ay xukunno hore sidaan oo kale fulisay.