Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku ridday Askari dil geystay

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun ka soo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay ka wada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay 12-kii May 2024.

Baaris dheer kaddib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiisaskaan, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24-ti bishii May ee Sanadkaan, halka Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

6- Aug 2024, Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Maxamed Xasan Maxamed oo ah  Xidigle xoogga, ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo 100- neef oo Geel ah, oo ah magta marxuum Ex-Xidigle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo 2-Sano oo Xabsi Ciidan ah, Sida uu warbaahinta u sheegay Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada QS Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow.

Xukunkaan ayaa imaanay xilli ay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida, ay xukunno hore sidaan oo kale fulisay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed