Maxkamadda Gobolka Sool oo Dil toogasho ah fulisay

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta oo Isniin ah dil toogasho ah lagu fuliyay Allaha U Naxariistee Mowliid Maxamed Jaamac oo 24kii Maarso magaaladaas ku dilay Marxuum Maxamuud Cali Muuse oo kamid ahaa Saraakiisha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Fulinta Xukunkaan waxa uu yimid kaddib markii Maxkamadda Gobolka Sool ay dil toogasho ah ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac labo cisho maadaama baaris kaddib lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo si loogu qaado ciqaabta uu ku mutaystay falka uu gaystay sida hadalka loo dhigay.

Saraakiil katirsan Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood, Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadda Gobolka Sool iyo qaar kale oo kamid ah Dadka deegaanka ayaa goobta xukunka qisaasta ah lagu fuliyay ku sugnaa.

Allaha u naxariistee Kornayl Maxamuud Cali Muuse waxa uu kamid ahaa saraakiisha Maamulka SSC-Khaatumo ee billowgii sanadkii hore 2023 gacanta ku dhigay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo in muddo ah ay maamulaysay Somaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed