Maxkamadda gobolka Banaadir oo muddeysay go’aanka dacwadda loo haysto Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in maalinta sabtida ah ay ku dhawaaqeyso go’aanka dacwadda loo haysto Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaas oo lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu yiri, “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay muddeysay ku dhawaaqista Gal-dacwadeedka summaddiisu tahay MGB/DCL/1045/2023.”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shaacisay magacyada eedaysanayaasha kuwaas oo gaaraya illaa 12 eedaysane oo kala ah:-

  1. Cusmaan Xasan Cosoble ahna ku xigeenkii hore Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jindiyadda JFS
  2. Muxudiin Xasan ahna Agaasimahii hore ec waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS.
  3. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle) ahna Agaasimihii hore ee waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jindiyadda JFS.
  4. Maxamed Ibraahim Axmed, ahna sarkaal ka tirsan Waaxda Ajaanibtal Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.
  5. Abuukar Xasan Aadan ahna madaxii hore ee xaqiijinta dukumintiyada codsiga fiiso kordhinta ee waaxda Ajaanibta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.
  6. Cabdullaahi Daahir Wehliye ahna khasnajiga qaybta dakhliga Ajaanibta laanta Bangiga Dhexe ee Garoonka Aadan Cadde maqane.
  7. Cabdalla Maxamed Axmed Agaasimihii waaxda IT-da ee Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka
  8. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ahaana Agaasimihii Guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.
  9. Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ahna Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.
  10. Jacfar Maxamed Axmed ahna Agaasimihii Guud ee Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS
  11. Cabdikaafi Xasan Maxamed ahna Agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS
  12. Maxamed Xuseen Nageeye ahna Sarkaalkii hore ee mas’uulka ka ahaa qaadashada fiiso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa fartay Xafiiska Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka, qareennada difaaca eedaysanayaasha in ay ka soo qaybgalaan ku dhawaaqista Dacwadda isla taariikhada iyo saacadda sare ku xusan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed