Maxkamadda Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa dil ku xukuntay Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood oo ka tirsan Guutada 7-aad ee ciidamada xoogga dalka.
Xeer ilaalinta ayaa Maxamuud Cabdulle ku soo eedeysay in uu degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed โQeyloโ Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.
Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hayโaddaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.
Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Maxamed Cabdulle lagu xukumay dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed โQeyloโ.