Maxkamada sare oo dhageystay Kiiska Eedeysane Sayid Cali

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa maanta dhageysaneysa Cabashada ay u gudbiyeen qareennada difaacaya Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu xukumay in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis Maxamed dabayaaqadkii Janaayo 2024.

Sayid Cali oo ka baxsaday Magaalada Muqdisho ayaa 6dii Febaraayo waxaa soo qabtay ciidanka Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku haya ilaa haatan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday Sayid Cali Macallin Daa’uud 6dii Maarso kaddib dhageysi labo jeer qaatay iyo dood isugu jirtay eedeyn iyo difaac dhexmartay Xafiiska Xeer ilaalinta & Qareennadiisa.

Racfaan ayuu u qaatay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, sidoo kale soo bandhigista caddeymaha xeer ilaalinta iyo soo gudbinta qareennada Sayid Cali waxyaabaha ay uga bariyeelayaan kiiskaan waxa ay Maxkamaddu dil toogasho ah ku ridday 15kii May 2024.

Qareennada Sayid Cali oo aan ku qancin xukunka labaad ayaa mar kale cabasho u aaday Maxkamadda Sare ee Dalka oo Maanta oo ah sabti 24ka Agoosto 2024 muddeysay in la dhageysto labada dhinac si ay u gaarto go’aan kama dambeys ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed