Maxkamada Rafcaanka G. Bari oo looga yeeray Agaasime Jawle

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland, Axmed Jaamac Jawle oo saaka looga yeeray xarunta Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ee magaalada Boosaaso ayaa sida la xaqiijiyay ku imaan waayay wakhtigii loo qabtay.

Amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ayaa lagu faray Agaasime Axmed Jawle in uu maxkamadda hor-yimaado 30/07/2025 oo ku beegan Arbaco 9:00am subaxnimo, si loo weydiiyo su’aalo maxkamadeed oo aan faahfaahin lagaga bixin warqaddaasi.

Sida ku cad warqadda ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka G/Bari, haddii Agaasime Jawle uu wakhtiga loo qabtay ku hor imaan waayo maxkamadda, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, “waxaa lagu farayaa inaad u hogaansanto amarka maxkadda, haddii aad soo ajiibi wayso waxaa ka dhalanaaya habraac sharci.
Guddoomaha Maxkamadda Racfaanka G/Bari.”

Dhinaca kale, La-taliyaha dhinaca Sharciga u qaabilsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Axmed Ciise Guulwade ayaa si jees jees ah uga jawaabay warqadda ka soo baxday Maxkamadda, waxaana uu ku tilmaamay mid qaldan oo baalmarsan hannaanka sharciyeed, islamarkaana luminaysa Kalsoonidii lagu qabay garsoorka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed