Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somaliland ayaa saaka xukun dil ah ku riday Saalax Isaaq, ka dib markii lagu helay in uu horraantii bishii hore magaalada Gabiley ku dilay Sarkaal Buux Mawliid Ismaaciil.
Sarkaalkan la dilay, oo ka tirsanaa Ciidamada Wado-marista Somaliland, ayaa waxaa dilay ninka xukunka dilka ah lagu riday, oo ahaa darawal bajaaj, ka dib markii ay murmeen.
Shalay ayay sidoo kale maxkamadda ciidamadu ay xukun dil ah ku riday askari magaalada Hargeysa ku dilay nin gaashaale ah, halka qof kale oo gacan ka siiyay dilkaas lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah.
Maxkamadda ciidamada ayaa hore u shaacisay in askarigii dila askari kale ama qofkii dila askari isla markiiba lagu xukumi doono dil, iyada oo aan loo dulqaadan doonin.