Maxay yihiin heshiisyada cusub ee maanta ay asixiyeen Golaha wasiirada Soomaliya ?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir gudoominaay kulanka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah; Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed, Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka, Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Kulankaan ayaa ku soo aadayo xilli  ay  todobaakaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka  ka soo saartay digniino, ku aaddan in shacabka ay ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab dabeylo iyo daad wato.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed