Maxay u celisay DFS diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo ku socotay….

Hay’adda duulista rayidka ah ee dowlada Soomaliya ayaa xaqiijisay in ay hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya, oo doonayso inay fasax la’aan uga degto magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda duulista ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Ethiopia Airline, nuuceedana uu ahaa Dash 8-Q400 aysan wax rukhsad ah u haysan inay marto hawada Soomaaliya.

Hay’adda duulista waxay sheegtay inay kusoo xad gudubtay sharuucda caalamiga ah ee hawada iyo sharuucda Soomaaliya, kuwaas oo ah in diyaaraduhu haystaan rukhsad marka ay ka dagayaan ama marayaan hawada dal kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed