Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti.
Kulanka labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga ee labada dal, iyaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsigyada labada dhinac.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta iyo martigelinta, isaga oo sheegay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo la xiriira dhinacyada amnig, siyaasadda iyo dhaqaalaha.