Maxay kawada hadleen RW Xamsa oo Madaxweyne Ruto?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Nairobi waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto, Xildhibaannada Soomaalida ee Baarlamaanka Dalkaas xubnaha ka ah & siyaasiyiin xilal horay usoo qabtay.

Xamsa Cabdi Barre ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Kenya maadaama dhowaan labada dowladood ay wadagaleen heshiis ku qotoma Waxbarashada, Amniga, Ganacsiga & kuwo kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto waxa ay kawada xaajoodeen qorshaha xoojinta howlgalka ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kula kulmay Madaxda Dalkaas, Jaaliyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed