Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah la qaatay qaar kamid ah Hoggaamiyaasha Ururrada Siyaasadda Dalka oo ay kawada hadleen Xaaladda guud ee Dalka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda waddanka.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdikariin Maxamed Yuusuf.
Waxaa la isku dhaafsaday xaaladda Dalka iyo sida loo gaari karo doorashooyinka qofka iyo codka ah oo xubnahaan hoggaanka u ah Ururradaan siyaasadeed ay qayb ka ahaayeen Doorashadii Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhacday 25kii December 2025
Madaxda Ururrada Siyaasadda ayaa dhankooda adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka gudubto doorashada dadban una guurto mid dadweyne si shacabka awooddiisa dib loogu soo celiyo maadaama wakiillo kooban ay u dooran jireen dadka ku metalaya Siyaasadda.
Kulankaan waxa uu kusoo aadayaa iyada oo dhowaan lagu kala tagay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo la isku mari waayay qodobo kala duwan, Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay qabsoomidda Doorasho Dadweyne halka xubnaha Mucaaradka qaarkood ay u xusul duubayaan Doorasho Dadban in dib loogu noqdo.

