Maxay kawada hadleen Madaxweyneyaasha Soomaaliya & Jabuuti?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiida Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah ay wada yeesheen waxa ay uga wada hadleen Xaaladda labada Dal iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.

Xasan iyo Geelle ayaa iska xog warreystay mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalkooda kumeel-gaarka ah ATMIS ee gabagabada ah iyo sidii loola jaanqaadi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Safarkaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti waxa uu qayb ka yahay socdaal uu ku maray Dalalka Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya oo madaxdooda uu kala hadlay qorshaha cusub ee howlgalka billaabanaya 2025.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed