Maxay kawada hadlee RW Xamse iyo James Swan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bani’aadantinimada, horumarinta bulshada iyo xasilinta deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida soo dhawaynta leh ee loo sameeyey, isaga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maaliintii Axadda soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay in uu ka shaqeynaayo sidii Soomaalida looga taageeri lahaa nabadgalyada, Horumarka iyo Dawlad dhiska. James Swan ayaa dhameysan doona muddo xileedka xaafiiska UNSOM oo dib loo eegi doono dhammaadka sannadkan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed