Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimada.
Danjire Wang Yu ayaa dhinaciisa xusay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan saaxiibtinimo iyo iskaashi joogto ah,
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay waddamada saaxiibka la ah.

