Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.
Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo guulaha ay dowladiisu gaartay.
“Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Hase yeeshee warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaan lagu sheegin in ay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo khilaafka ku salaysan wax ka bedelka dastuurka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa boggiisa Facebook u sheegay in uu ka walaacsan yahay qorshaha dowlada ee wax ka bedelka dastuurka.
“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.”ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku nool dalka Qadar tan iyo markii loogaga guuleystey doorashadii madaxtinimada dalka taasoo markale loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray maanta magaalada Doxa ee dalka Qadar kadib markii uu booqday dalka Masar halkaa oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar Cabdifatah Al-Sisi.