Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweyne hore Farmaajo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

Xafiiska Madaxweynaha oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo guulaha ay dowladiisu gaartay.

โ€œMadaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.โ€ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Hase yeeshee warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaan lagu sheegin in ay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo khilaafka ku salaysan wax ka bedelka dastuurka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa boggiisa Facebook u sheegay in uu ka walaacsan yahay qorshaha dowlada ee wax ka bedelka dastuurka.

โ€œWaxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.โ€ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku nool dalka Qadar tan iyo markii loogaga guuleystey doorashadii madaxtinimada dalka taasoo markale loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray maanta magaalada Doxa ee dalka Qadar kadib markii uu booqday dalka Masar halkaa oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar Cabdifatah Al-Sisi.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed