Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Jabbuuti dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sare oo ka tirsan Labada dowladood, ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Jabbuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Sidoo kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabbuuti ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii (ATMIS), dhawaanna uu billaaban doono hawlgalka cusub ee loogu magacdaray(AUSOM), isaga oo muddo gaaban sococn doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay in uu qorshahu yahay in ay dhawaan si buuxda amaanka dalka ula wareegi doonaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdagiisa, ayaa maallinimadii shalay gaaray dalka Jabbuuti, isaga ujeedka ahaa in uu halkaasi kula kulmo dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.