Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Wang Yu iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay wada shaqeyntooda iyo taageerada Shiinaha siiyo Maamulka Puntland.
Kooxaha burcadda ah ayaa dalbaday 10 Milyan oo dollar, si ay markabka u siiyaadaan.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.