Maxay ka Hishiiyeen Soomaliya iyo Kenya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Kenya William Ruto waxa ay ku ballameen in ay iska kaashadaan Amniga, Ganacsiga iyo fududeynta dhaqaalaha labada Dal.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo gabagabeeyay iyada oo labada Dal ay ku heshiiyeen sidii diiradda loo saari lahaa iskaashigooda ka dhaxeeya.

Qodobada kasoo baxay shirka waxaa kamid ah:

1-Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2-Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3-Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4-Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cagta mariyay Dalalka Ciidamada Midowga Afrika ku howlgalla ee jooga Dalka marka laga reebo Itoobiya, waxyaabaha uu kala hadlay madaxda Dalalkaas waxaa ugu xoogganaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed