Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kamid ah Kalfadhiga lixaad.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku furmay 146-xildhibaan, waxaana akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda su’aalo ka weydiiyay qodobada heshiiskan iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya muhiimadda ay u leedahay, waxaana su’aalaha Xildhibaanadda ka jawaabayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.