Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si adag uga falcelisay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Soomaalida ku tilmaamay dad aan bulshada waxba ku soo kordhineyn.
Trump oo dhawaan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Soomaalida dalkooda noqday qashin, isla markaana ay u baahan in ay hagaajistaan intii ay ku mashquuli lahaayeen Mareykanka.
Hadalkaasi ayaa waxaa si carro leh uga hadlay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegtay in Trump caadeystay ku mashquulka bulshada Soomaaliyeed, isla markaasna tillaabadaasina aan la aqbali karin.
“Trump waa nin aan caafimaad qabin oo ku mashquulsan anniga iyo bulshada Soomaaliyeed” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Dhinaca kale, Ururka Muslimiinta Mareykanka ayaa isna cambaareeyay hadallada naceybka Trump uu ku bartilmaameydsanayo bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si kooban uga hadlay naceybka Trump, isagoo sheegay inuusan cusbeyn, isla markaasna si la mid ah Soomaaliya uu hore dalal kale wax uga sheegay.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Trump uu kordhiyay hadallada naceybka ah ee uu ka faafinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Mareykanka.

