Maxay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ?

Xildhibaannada Golaha Wakiillada dowlad gobaleedka Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbiyeen, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta miisaaniyad KMG ah ee bilaha January –  June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023.

Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar). Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad. Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed