Maxay ansixiyeen Xildhibaanada Aqalka hoose?

Xildhibaanad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 5-aad, kulankiisa 27-aad.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka   Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Kulanka ayaa waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka iyo dhameystirka Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

 

Xildhibaanadda  ayaa waxaa ugu horreyn ay u codeeyeen Hindise Sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka oo ay ogolaadeen 138-Xildhibaan, halka laba Xildhibaan ay ka aamustay, Xildhibaan diidayna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Sidoo kale, Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa dhameystiray Akhrinta koowaad Ee Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare Ee Qaranka,waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ay su’aalo ku aadan hindise sharciyeedkan weydiiyeen wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare Nuura Mustaf   Mukhtaar oo dhankeeda ka jawaabtay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay, in Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka lagu wareejiyay guddiga ku shaqada leh si usoo diyaariyo Akhrintiisa labaad dibna golaha uu ugu soo celiyaan si looga doodo.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed