Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Heshiiska ay maanta ansixiyeen Golaha wasiirada ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.
Khubarada Gobolka kusugan ayaa heshiiskan u arka tallaabo istiraatijiyad ah oo sare u qaadaysa awoodda labada dal ay wax uga qaban karaan arrimaha ammaanka, Waxaa la filayaa in ay furto waji cusub oo iskaashiga dhinacyada kale, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo isdhaafsiga dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.