Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Marwo Safiya Shaqadii ugu dambeeyay ay qabatay waxay ahayd 24kii Bishii lasoo dhaafay oo Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ku soo dhaweysay 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celiyay, kadib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxooti ku ahaayeen.
Marwo Xanifa Maxamed Ibrahim Xaabsade ayaa horey usoo noqotay xildhibaan federaal iyo Wasiirka Haweenka ee Dowaladii hore ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay uga mahadcelisay Golaha Wasiiradda ansixinta soojeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee inay xubin ka noqoto Guddiga sare ee Bangiga dhexe.